​Madaxweynaha Puntland oo Garowe yimi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxa galinkii dambe maanta magalada Garowe soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas", kuwaas  oo saaka kasoo amba-baxay magalada Bosaso. 

Soo dhaweyn ayaa loogu sameeyay duleedka Bari ee Caasumadda Puntland, waxaana halkaas kaga hortagay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, xubno katirsan labada gole ee dowladda, maamulka degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. 

Madaxweyne Gaas ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada, halkaas oo kula hadlay wabaahinta isago ka warbaxshay safarradii uu ku maqnaa, wuxuuna sheegay inay dhaammaantood guul ugu soo dhaammadeen. 

Arrinta shirka madatashiga ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna xusay in go'aankaas ku qanacsanayn, kana turjumayn rabitaanka shacabka reer Puntland, isagoo tilmaamay inay dhawaan bilaabayaan wadatashiyo ku aaddan qorshaha lagu salaynayo doorashada Somalia 2016. 

Cabdiwali Maxamed Cali, mar uu ka hadlay xaaladda Puntland, wuxuu kadigay waxyaabaha horseedi kara xasilooni darrada isagoo ku baaqay in la adkeeyo hormarka iyo kala dambaynta dalka ka jirta, isagoo ku goodiyay hadii arrintaasi la joojin waayo in dowladdu gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo wada falal amni darro. 

Madaxweyne Gaas ayaa muddo dhan bil waxa uu ku maqnaa safarro uu ku tagay magalada Bosaso, Muqdishu iyo xarunta maamulka Jubbaland isagoo halkaas uga qayb galay shirar ku saabsan doorashada Somalia marka laga reebo magalada Bosaso. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM