Madaxweynaha Puntland oo Garowe yimi [Dhagayso]

Image

05 November, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland, ka dib socdaal uu kaga yimi magalada Dubai xarunta Isutagga Imaaraadka carabta.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiiro, xubno ka socda Barlamanka, mas'uuliyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay wafdiga madaxweynaha garoonka diyaaradaha magalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada, ayaa sheegay in Isutagga Imaaradka carabta kala soo hadleen arrimo la xiriira amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Gaas ayaa tilmaamay in safarkiisa guul ku soo dhammaaday,wuxuuna bulshada reer Puntland u rajeeyay guul iyo hormar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM