Madaxweynaha Puntland oo hambalyeeyay sannadka cusub [Dhagayso]

Image

31 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Puntland, ayaa ka hadlay waxyaabaha sannadka 2015 u qabsoomay xukuumadda Puntland isagoo sheegay inay gaareen guulo la taabankaro.

“Sannadkii lasoo dhaafay dadka reer Puntland Wuxuu  u aha sannad guul ah, hourmar baaxad weyn ayay na gaareen, wayna isku tashadeen, sannadka soosocda waxaana rajeynaynaa guulo is daba joog ah kuwaas oo la xiriir dhanka mashaariicda, ladagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta dawladnima wanaaga,”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal u dagan xukuumaddiisa sannadka 2016, wuxuuna tilmaamay inay sannadka maanta ku eg ka baranayaan khibrad iyo waaya aragnimo.

Marxaladda kala guurka Somalia ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna tilmaamay in shacbiga Somaliyeed ka daaleen habka wax ku qaybsiga beelaha, dantuna ku jirto qaab aan ahayn 4.5.

Cabdiwali Maxamed Cali ayaa shacabka Somaliyeed gaar ahaan u reer Puntland u diray hambalyo ku aadan sannadka cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM