​Madaxweynaha Puntland oo Imaaraadka ku wajahan

Image

BOSASO- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa maanta qorshuhu yahay inay tagaan magalada Bosaso xarunta gobolka Bari isagoo kasoo kicitimay goor dhaweyn caasumadda Soomaaliya ee Muqdishu, halkaas oo uga qayb galay  shirka madaxda Soomaalida ee looga hadlayay arrimaha doorashada dalka.

Gaas, ayaa la filayaa marka uu tago Bosaso inuu uga sii gudbo Abu Dhabi dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo warrarka uu helayo Garowe Online sheegayaan inuu ku leeyahay ballan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee safarkiisa ku xeeran, balse dhawaan ayay ahayd markii uu kasoo laabta dalkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa waayadan dambe socdaalkiisu waxa uu noqday mid aad u badan, waxaana dadka arrimaha siyaasadda u dhuun daloola sheegayaan inay wax u dhimayso shaqadii uu ka hayay gudaha Puntland.

Bishan aan ku jirno madaxweyne Gaas ayaa galay ilaa dhawr safar oo kala duwan. Halkan ka akhriso

Lama oga inta uu qaadan doono safarkiisa, balse waxaa uu kusoo aadayaa xilli 20 bishan laga rabo maglaada Baydhabo halkaas oo lagu qaban doono shir ay isgu imaan doonaan madaxda Soomaalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM