​Madaxweynaha Puntland oo Imaaraadka ku wajahan

Image

BOSASO- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa maanta qorshuhu yahay inay tagaan magalada Bosaso xarunta gobolka Bari isagoo kasoo kicitimay goor dhaweyn caasumadda Soomaaliya ee Muqdishu, halkaas oo uga qayb galay  shirka madaxda Soomaalida ee looga hadlayay arrimaha doorashada dalka.

Gaas, ayaa la filayaa marka uu tago Bosaso inuu uga sii gudbo Abu Dhabi dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo warrarka uu helayo Garowe Online sheegayaan inuu ku leeyahay ballan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee safarkiisa ku xeeran, balse dhawaan ayay ahayd markii uu kasoo laabta dalkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa waayadan dambe socdaalkiisu waxa uu noqday mid aad u badan, waxaana dadka arrimaha siyaasadda u dhuun daloola sheegayaan inay wax u dhimayso shaqadii uu ka hayay gudaha Puntland.

Bishan aan ku jirno madaxweyne Gaas ayaa galay ilaa dhawr safar oo kala duwan. Halkan ka akhriso

Lama oga inta uu qaadan doono safarkiisa, balse waxaa uu kusoo aadayaa xilli 20 bishan laga rabo maglaada Baydhabo halkaas oo lagu qaban doono shir ay isgu imaan doonaan madaxda Soomaalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM