Madaxweynaha Puntland oo Imaaraadka u dhoofay

Image
Image
Image
Image

01 November, 2015(GO)-Waxaa galinkii dambe maanta ka dhoofay magalada Galkacyo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyagoo ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Dubai.

Safarka Gaas, waxaa ku wehelinaya, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, wuxuuna salka ku hayaa casumaad uu ka helay mas'uuliyiinta Imaaraadka.

Muddo kooban ayaa la qorshaynayaa inuu safarkiisa qaato isla markaana uu kulamo la yeesho madaxda dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo kala hadlaya sida uu sheegay xoojinta xiriirka labada dhinac.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa tacsi ka tiray weerarkii maanta lagu qaaday Hotel Saxafi ee magalada Muqdishu, waxaana dhimashadu maraysaa ilaa 15 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM