Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay weerarka lagu fashiliyey Boosaaso

Image

QARDHO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey askari ka tirsan ciidamadda PSF oo maanta Boosaaso ku fashiliyey weerar ay damacsaneyd kooxda Daacish.

Deni oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Qardho ayaa u mahadceliyey ciidamadda suurtageliyey in uu dhicisoobay "fal-dambiyeedkaas".

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay mid kelana wuu ku dhaawacmay markii rag hubeysan oo saraakiishu sheegeen in ay ISIL yihiin ay saddex askari oo gaari kuwada socotay ay ku weerareen Boosaaso.

Askari kamid ahaa ciidamadda la socotay gaariga ayaa u suurtagashay in uu ka baxo gaariga isla markaana uu goobta ku toogto mid kamid ahaa dableyda, isla markaana uu dhaawaco mid kale.

Booliska oo soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen iyo askariga ka badbaadey dilka ayaa ka dabategay ruux kale oo dalbeyda kamid ahaa kaasoo baxsaday, waxayna kusoo qabteen nolosha isagoo badqaba.

Ciidanka ayaa soo bandhigay gaari miineysan iyo agab ay kamid yihiin waxyaabo qarxa oo lasoo wariyey in ay maleeyshiyaadka wateen.

Saraakiisha ayaa tibaaxay in ay ku raadjoogeen dableyda iyo gaarigooda isla markaana ay xogtooda hayeen maalmihii dambe.

Boosaaso, xarunta ganaciga Puntland, waxaa xilliyada qaar ka dhaca falal liddi ku ah nabad-gelyada, balse maalmihii lasoo dhaafay si looga hortago dhacdooyin kale, laamaha amniga ayaa xoojiyey howlgalada.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM