Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay weerarka lagu fashiliyey Boosaaso

Image

QARDHO, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey askari ka tirsan ciidamadda PSF oo maanta Boosaaso ku fashiliyey weerar ay damacsaneyd kooxda Daacish.

Deni oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Qardho ayaa u mahadceliyey ciidamadda suurtageliyey in uu dhicisoobay "fal-dambiyeedkaas".

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay mid kelana wuu ku dhaawacmay markii rag hubeysan oo saraakiishu sheegeen in ay ISIL yihiin ay saddex askari oo gaari kuwada socotay ay ku weerareen Boosaaso.

Askari kamid ahaa ciidamadda la socotay gaariga ayaa u suurtagashay in uu ka baxo gaariga isla markaana uu goobta ku toogto mid kamid ahaa dableyda, isla markaana uu dhaawaco mid kale.

Booliska oo soo gaarey meesha ay wax ka dhaceen iyo askariga ka badbaadey dilka ayaa ka dabategay ruux kale oo dalbeyda kamid ahaa kaasoo baxsaday, waxayna kusoo qabteen nolosha isagoo badqaba.

Ciidanka ayaa soo bandhigay gaari miineysan iyo agab ay kamid yihiin waxyaabo qarxa oo lasoo wariyey in ay maleeyshiyaadka wateen.

Saraakiisha ayaa tibaaxay in ay ku raadjoogeen dableyda iyo gaarigooda isla markaana ay xogtooda hayeen maalmihii dambe.

Boosaaso, xarunta ganaciga Puntland, waxaa xilliyada qaar ka dhaca falal liddi ku ah nabad-gelyada, balse maalmihii lasoo dhaafay si looga hortago dhacdooyin kale, laamaha amniga ayaa xoojiyey howlgalada.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM