​Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xaaladda Qandala [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta ka hadlay xaaladda magaalada Qandala oo maalmihii ugu dambeeyay kasocday barakac xoog leh kadib markii ay gaareen mallayshiyaad sheegtay inay katirsanyihiin kooxda la magac baxday Daacish.

Gaas, ayaa sheegay inay kooxdaas awood u lahayn inay ku sii sugnaadaan degmada Qandala iyo guud ahaan deegaanada Puntland isagoo carrabka ku dhuftay inay muddo kooban haysan karaan meelaha ay joogaan.

"Daacish Qandala ma haysanayso, Puntland-na ma joogayso, awood ay ku joogto iyo mid ay ku haysato malahan, waana laga howlgalayaa Inshaa allaah, waqti kooban ayayna joogi karaan hadi ay u  bataan,"Sidaas waxaa yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha, ayaa intaas ku daray in dadka waxyeelladu kasoo gaarto dowladdu isha ku hayn doonto islamarkaana gaarsiin doonto macaawinooyin kala duwan.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay adkaystaan nabadgalyada ay haystaan islamarkaana u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen, wuxuuna ku booriyay in loo soo jeesto dhinaca hormarka.

Wuxuu hadalkan jeediyay xilli maanta uu warbaahinta kula hadlayay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Degmada Qandala, ayaa maanta ilaa shalay, waxaa lagu garaacayay Qantaallo dhinaca badda lagasoo tuuray oo ilaa hadda la xaqiijin inay ka yimaadeen maraakiibta Shisheeye ee biyaha Somalia ku sugan iyo inay soo rideen ciidamada badda Puntland.

Dadkii ku dhaqnaa Qadala, ayaa gabi ahaanba u qaxay magaalada Bosaso iyo tuulooyinka hoos yimaada degmadaas oo 75km u jirta xarunta gobolka Bari, waxaana lasoo daristay xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM