Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Cali Baadiye

Image

GAROWE, Puntland - Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed [Cali Baadiye] ayaa ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlay afka dowladda iyo kiisa ayaa tacsi tiiraanyo leh wuxuu u diray eheladda, qoyska iyo asxaabta uu ka baxay marxuumka oo sababta keentay dhimashadiisa aan la caddeyn.

Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in Deni uu muragada la wadaagayo qoyska isla markaana uu Cali Baadiye u rajeeyay naxariista EBBE isla markaana uu u fududeeyo su'aasha Qarbiga.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida," ayay tiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle "SWC" uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay," ayaa lagu soo xiray.

Mas'uuliyiin kale, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Puntland oo tacsi diray dhankooda ayaa bedel wanaagsan oo kheyr leh u rajeeyay qoyska uu ka geeriyooday AUN Cali Baadiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM