​Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Bosaso

Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga la socda ee ku sugan magalada Riyadh dalka Sacuudiga ayaa la filayaa inay gaaraan magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Gaas ayaa lagu wadaa in Jimcaha soo socda tago magaaladaasi oo ay ka socoto munaasabad lagu daah furayo wajiga labaad ee mashruuca lagu dhisayo garoonka diyaraadaha ee xarunta ganacsiga Puntland.

Munasaabaddan oo aan war rasmi ah laga hayn xilli ay dhici doonto ayaa wararka uu helayo warsidaha Garowe Online sheegayaan inay qabsoomi doonto horaanta bisha soo socota iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan mas'uuliyiin kasocda dalal taageerada ka gaysanaya dhammaytirka dhismaha madaarka Bosaso.

Mashruuca dhamesytirka garoonka Bosaso ayaa waxaa kharashkiisa bixinaya dowlada Talyaaniga iyadoo lacagtaas lasoo marinayo urur goboleedka IGAD.

Ammaanka magalada Bosaso ayaa la adkeeyay, waxaana laga dareemayaa qaban qaabada loogu jiro soo dhaweynta wufuudda imaanaysa iyo daah furka mashruuca lagu dhamaytirayo garoonka caalamiga ah ee Bosaso.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu munaasabadaas u dhoofo dalka Jabuuti oo ay ka dhici doonto 8 May munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geele.

Dhinaca kale madaxweyn Gaas ayaa sidoo kale la qorshaynaya inta uu jooga magaalada Bosaso kulamo la qaato waxgaradka gobolka Bari gaar ahaan kuwa uu kasoo jeedo gudoomiyihii hore gobolka Cabdisamada Maxamed Gallan oo khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Gaas.

Horay ayuu kulan sidaan oo kale ah la qaaday madaxweynuhu waxgaradka Bari, balse majirin natiijo mira dhal noqotay oo kasoo baxday is-aragaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM