Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Bossaso xilli dagaal weli ka socdo Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo safar qaatey 8 cisho kaga maqnaa dalka ayaa wararka GO soo gaaraya sheegayaan in maalinta berri ah ku soo wajahan yahay magaalada Bossaso xarunta ganacsiga maamulkaas.

Cabdiweli Gaas oo safar aan horey loo shaacin  ku aadey wadanka Imaraadka Carabta ayaa Puntland ka dhoofey iyadoo xaalado siyaasdeed iyo kuwo dagaal ka jiraan magoolyinka Garowe iyo Galkacyo.

Safarka Madaxweyne Gaas ayaa yimid xilli magaalada Garowe ka bilaami lahaayeen doorashooyinka aqalka sare ee Barlamanka Somalia talabadaas oo aheyd mid taarikhi ah saldhigna u ah nidaamka Federaalka Somalia kasoo Puntland u bud-dhige u aheyd.

Mudane Gaas ayaa xafiiskiisa wax tahniyad ah u dirin xildhibanada loo doortey aqalkaas kuwasoo maamulka Puntland u matali doona aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Dhinaca kale magaalada Galkacayo ayaa waxaa ka socda dagaalo xoogan kuwasoo sababey barakac shacab iyo dhimasho dhaawac soo gaarey dhinacyada ku dagaalamaya magaalo madaxda gobolka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa weli la shaacin sababta magaalada Bossaso uu uga dagayo iyadoo xalad dagaal ka jirto Galkacayo balse warar GO soo gaaraya warar  sheegaya iney la xiriirto xalinta khilaafka u dhexeeya xukuumada Gaas iyo qaar ka tirsan qabaa'ilka daga gobolka Barri kuwasoo arimahooda muddo soo jiitamayeen sidii is-afgarad looga gaari lahaa isagoo la filayo inuu gaaro Degmada Carmo.

Ma aha markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Puntland uu ka maqnaado maamulka uu madaxda ka yahay iyadoo xaalado colaadeed, siyaasadeed iyo abaaro ka jiraan waxaana lagu xusuusan karaa markii xeebaha Puntland weeraro ku soo qaadeen ururka al shabaab kuwasoo dagaal xoogan kala hortageen Ciidamada Amniga oo kaashanaya shacabka qaybihiisa kala duwan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM