Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalka Ethiopia

Image

GAROWE, April 15,2015 (GO)- Wararka Garowe online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Gaas ku wajahan yahay maalinta berri ah wadanka Ethiopia halkaas oo la sheegey inuu kaga qayb galayo shir sanadle ah.

Madaxweynaha ayaa wararku xusayaan in uu kaga qayb galayo magaalada Bahir Dar kulan loogu magac dare Tana Forum kaasoo sanad walba la qabto.

Kulankaan oo ka soconaya magaalada Bahir Dar 18-19 April 2015 ayaa waxaa lagu martiqadaa qaar ka tirsan madaxda Africa iyo shaqsiyaadka caanka ka ah qaarada kuwaasoo hadalo ka jeedayo.

Tana High-Level Forum on Security in Africa ayaa lagu soo qaataa sanad walba qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa.

Madaxweyne Gaas oo ku maqanaan doona wadanka Ethiopia ilaa 20 April,2015 ayaa sanadkii hore ka qayb galey kulankaan iyadoo dowlada Federaalka aysan u soo dirin aalaaba kulankaan wafdi matala sababo aan la shaacin.

Halkan ka akhri kulanka Bahir Dar iyo Barnaamijka lagaga hadlayo

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM