Madaxweynaha PL oo ku wajahan Kismaayo, halkee marayaa khilaafkii?

Image

GAROWE, March 2, 2015 ( GO)- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maalinta berri ah ku wajahan yahay magaaalo madaxda maamulka Jubaland ee Kismaayo.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu la xiriiro kadib markii uu casumaad ka helay Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Madoobe.

Booqashada Gaas ayaa ah midii ugu horreysay uu ku tago magaalada Kismaayo tan iyo markii loo doortey xilka waxayna wararku intaas ku darayaan inuu halkaas kula kulmi doono madaxda maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa safarkan waxaa ku wehelin doona sida wararku nagu soo gaarayaan wasiirro, xildhibaanno iyo qaar ka tirsan isimmada Puntland.

Dhinaca kale, waxaa weli taagan khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada amniga, waxaana weli magaalada Garowe ka socda kulammo lagu xallinayo khilaafka.

Wararka ku xeeran khilaafkaan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu guddi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno u saarey xallinta murankaan halka dhinaca kale xubno matalaya saraakiishaasi qayb ka yihiin wada xaajoodka.

Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Gaas xilka ka qaadey taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska iyo agaasimaha ciidamada sirdoonka "PIA" ee Puntland.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan Bosaso iyo Galkacayo ayaa bilihii lasoo dhaafey waxaa ka dhacey weerarro dhowr ah kuwaasoo mas'uuliyaddooda ururka Al-shabaab uu sheegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM