Madaxweynaha Puntland oo la kulmay gudoomiyaha cusub Barlamanka

Image

09 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland ayaa manta xarunta madaxtooyada Puntland ku qaabilay gudoomiyaha cusub Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi, waxaana uu soo dhaweeyay qaabka doorashadu u dhacday isagoo ku tilmaamay inay ahayd mid cad oo dimuqraadiyad ah.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa u mahadceliyay gudoomiyihii hore ee Barlamanka Siciid Xasan Shire, waxana uu sheegay inuu soo qabtay howlo muhiim ah.

” Doorashadii maanta ka dhacday Baarlamaanka waxaa ay muujinaysaa dimuqrasiyadda gaamurtay ee ay Puntland ku talaabsatay , bisaylka siyaasadeed ee ay gaareen sidoo kale shacabku ” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Gaas, ayaa taageersana gudoomiyaha cusub Barlamanka Puntland, waxaana doorashada ka dib kula kulmay qasriga madaxtooyada Puntland isagoo ugu hambalyeeyay xilkan loo dhiibay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM