Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safiirka Talyaaniga ee Somalia

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa dalka Kenya kula kulmay safiirka Somalia ee dalka Talyaaniga Fabrizio Marcelli.

Shirka oo ka dhacay Nairobi ayaa labada mas'uul uga wada hadleen arrimo la xiriira Puntland sida lagu sheegay warsaxafaadeed ka soo baxay Puntland.

Gaas ayaa ka codsaday safiirka in dowladda Talyaanigu ciidanka Puntland ka taageerto dhanka tababarada sid amniga loo xoojiyo, isla markaana kor loo qaado taageerada Puntland ka heli jirtay dalkaasi.

Safiirka Talyaaniga Fabrizio Marcelli ayaa xusay in mar walba Dawladda Talyaaniga ka go’antahay sii wadida mashaariicda horumarineed ee kawadaan Puntland.

Gaas ayaa mudadan ku sugnaa dalka Talyaaniga, waxaana uu sheegay xilli uu ka dhoofay magalada Galkacyo inuu ka qayb galayo shir kusaabsan kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM