​Madaxweynaha Puntland oo la kulmay waxgaradka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii danbe 11 Nov, 2016 wuxuu magaalada Galkacyo kula kulmay cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Mudug gaar ahaan intooda joogta magaalada.

Kulankan oo ay joogeen mas'uuliyiin katirsan dowladda, ayaa muhiimadiisu ahayd is xog waraysi iyo wada tashi ku saabsan xaaladda gobolkaas iyo tan magaalada Galkacyo.

Waxa kaloo kawarameen Odoyaashu siday u arkaan xalka colaadda gobolka Mudug, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen daminta colaadda u dhaxaysa labada dhinac ee kataliya magaalada Galkacyo.

Warbixin kadib madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cuqaasha iyo nabadoonada Gobolka Mudug uga mahad celiyay sida ay markasta ugu howlan yihiin sidii loo qaboojin lahaa xaaladda dagaalka magaalada Gaalkacayo, wuxuuna tilmaamay in xukuumaddu aysan cidna duullaan ku ahayn isla markaana ay kaalin weyn ka geysan doonto sidii bulshada magaalada Gaalkacayo nabad-gelyo iyo deris wanaag ugu wada noolaan lahaayeen.

Gaas ayaa sidoo kale xusay in dowladdu wajib ka saarantahay ilaalinta nabad-galyada shacabka iyo ilaalinta xuduudeeda iyadoo aan cid kale lagu xad-gudbayn.

Shirka labada dhinac, ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Puntland magaalada Galkacyo u tagay raadinta xal laga gaaro colaadda magaalada Galkacyo.

Dhinaca kale, waxaa degmadaas isna soo gaaray madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wafdi la socday, waxaana la filayaa in xaruntaas uu ka bilowdo wada-hadal u dhaxeeya labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM