Madaxweynaha PL oo la kulmey xildhibaanada mooshinka wadey

Image

GAROWE 17 May,2015 (GO)- Kulan ku dhexmarey marey xarunta madaxtooyada Garowe caawa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo xildhibanaada dalbanyey in Barlamanka kalfadhi deg deg ah isugu yimaado ayaa wararka ku dhow sheegayaan inuu kusoo dhamaadey is-afgarad.

Madaxweynaha Puntland ayaa aqbaley wax ka qabashada dhammaan qodobadii xildhibanaddu ku dalbanayeen in loo baahan yahay kalfadhi degdeg ah oo Barlamanka Puntland isugu yimaado.

Wararka ayaa sheegaya in wadahadalka oo muddo badan socdey xildhibaanadu kusoo bandhigeen dhibaatooyinka dhaqaale, amni, siyaasad iyo habacsanaan ay sheegeen inay haysato xukuumada Madaxweyne Cabdiwlei Cali Gaas islamarkaana waxey ku goodiyeen in hadaan wax laga qaban arrimhaan ay sii wadi doonaan mooshinka ka dhanka ah xukuumadiisa.

Madaxweyne Gaas ayaa aqbaley in isbadal degdeg ah uu ku sameeyo golihiisa wasiirada maalmaha soo socda.

Dhinaca kale mudanyaasha ayaa ka dalbadey madaxweyne Cabdiwlei Cali Gaas in xukuumaddiisu joojiso faragelinta ay ku hayso Barlamanka Puntland madaama uu yahay aqalka wakiiladu hay'adii soo dooratey golaha fulinta Puntland.

Ugu dambeyntii kulankaas ayaa kusoo dhamaadey in xildhibaanadu soo qoraan qoraal ay ku muujinayaan qodobada ay ka dalbanayaan in madaxweynuhu talaabooyin degdeg ah ka qaado maalmaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM