Madaxweynaha dowladda Puntland oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo kusoo dhoweeyay, xubno ka mid ah labada gole ee Dowladda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Saraakiisha Amniga ee Gobolka iyo qeybaha kale ee Bulshada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu joogo Mudug waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Mudug.

Deni ayaa kasoo kicitamay magaalada dekada leh ee Boosaaso, halkaas oo tababar uu ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF.

Saciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa ugu baaqay ciidamada in ay waajibaadkooda u gutaan si wanaagsan, iyagoo iska dhowraya falalka wiiqaya sumcadooda.

Sidda ay sheegeen saraakiishooda, ciidamadan oo qaatay daruus muhiim u ah tabaha dagaalka, ilaalinta xeebaha iyo dabagalka dambiyada ayaa ku qalabeysan hub iyo gaadiid casri ah.

Bishaan June 21-keeda ayay ahayd markii Deni uu magaalada Qardho gaar ahaan xerada Xorgoble uu tababar ugu soo xiray dufcadii labaad oo kamid noqoneysa ciidanka Daraawiishta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM