Madaxweynaha Puntland oo loo kordhiyay mudada uu ku magacaabayo Wasiiradda

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo maanta hortegay Gollaha Wakiilada ayaa ka dalbaday inuu 14 cisho ugu kordhiyaan mudada magacaabista xukuumada cusub ee laga sugayo.

Fadhiga oo ay soo xaadirtay 66-da mudane ayaa waxaa shir gudoonka uu ahaa Afhayeenka Aqalka Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed], xili ay ku wehliyeen labadiisa ku xigeen.

Mr Deni oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa balanqaaday in xukuumada uu soo dhisi doono ay noqon doonto mid tayo leh, islamarkaana ka shaqayn doonta danaha reer Puntland iyo tan Soomaaliyeed.

Intaas kadib, sharcidejiyaasha oo cod uqaaday codsiga Madaxwaynaha ayaa natiijada kasoo baxday waxay noqotay inay taageertay 45 Xildhibaan, iyadda oo uu ka codeeyay hal mudane, waxaana ka aamustay 4 kale.

Sidaasi owgeed, gudoonka Gollaha ayaa wuxuu ku dhawaaqay in dalabka Madaxwaynaha uu yahay mid ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen Xildhibaanada Wakiilada shacabka.

Dastuurka Puntland ayaa wuxuu qabaa in iyadda oo laga soo bilaabayo maalinta doorashada uu Madaxwaynuhu haysto 21-cisho si uu usoo dhiso xukuumad cusub, balse, waxaa muuqata inay ku filnaan wayday.

Sikastaba ha ahaatee, XIldhibaano ka tirsan Gollaha Wakiilada oo dhowr jeer ka hadlay magacaabista Gollaha Wasiirada cusub ayaa ku cel-celiyay inay ku rajo wayn yihiin inay noqoto mid tirro yar, islamarkaana tayo badan leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM