Madaxweynaha Puntland oo Muqdishu u dhoofay [Sawarro]

Image
Image
Image
Image

18 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa galinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha Galkacyo.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya ka qayb galka shir ka dhacaya magalada Muqdishu, kaasi oo looga hadlayo doorashada dalka ka dhici doonta 2016.

Shirkaasi, wuxuu u dhaxeeyaa madaxda dowladda Somalia iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada.

Gaas safarkiisa waxaa ku wehelinayay wasiirro iyo Xildhibaano, waxaana garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ku sii sagootiyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Galkacyo.

Madaxewynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah, Puntland-na ka soo jeedin doonto mowqifkeeda.

Galinkii hore ee maanta ayaa qorshuhu ahaa in madaxweyne Gaas u dhoofo magalada Xamar, balse waxaa dib u dhigay khilaaf ku aadan ilaalada madaxweyn Gaas kaxaysano, waxaana amar ka yimi dhinaca xukuumadda Somalia, lagu wargaliyay sida aan xogta ku helayno inuu iska reebo ilaalo khaas ah oo dhawr jeer Muqdishu la tagay.

Xal laga gaaray arrinkaasi, ayaa sababtay in wafdigu baxo galinkii dambe ee maanta, waxaana ilo lagu kalsoonyahay Garowe Online u xaqiijiyeen in la yareeyay tirada ciidamada uu la tagay madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM