Madaxweynaha Puntland oo Nairobi Safiiro kula kulmay

Image
Image
Image

08 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa magalada Nairobi shir kula yeeshay safiiro uu ka mid yahay kan Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d’Urso.

Gaas iyo safiirada ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta xiriirka Puntland iyo beesha caalamka, waxaana madaxweynuhu ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub ka gaysteen shirkii dhawaan ka dhacay magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d’Urso ayaa xusay in fulin doonaa mashaariic cusub sida lagu tilmaamay qoraal ka soo baxay Puntland.

Dhinaca kale, Gaas ayaa la kulmay Safiirka Somalia u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen arrimo hormarinta mashaariicda Puntland ku saabsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM