Madaxweynaha Puntland oo qoraal ku gudbiyey xubnaha dumarka aqalka hoose ee Barlamanka [ AKHRI]

Image

GAROWE, Puntland- Qoraal warsidaha Garowe Online heley kasoo aan u qoreyn nidaam xafiiseed ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku asteeyey qabaa'il ka laga rabo iney xubno ka siyaan dumarka Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia.

Waraaqdaan oo lagu qorey gacanta tasoo ay ku saxiixan yihiin Madaxweynaha Puntland iyo guddiyada doorasho heer federaal/ Gobol ayaa waxaa warsidaha GO u xaqiiyey inuu yahay mid sax ah xubno ka tirsan guddiyadaan kuwaasoo diidey in aan xusno magacooda. 

Lama oga sababta kaliftey in qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland  noqdo mid sida uu u qoran yahay lagu gudbiyo iyadoo aysan ka muuqan sumadaha xafiiskiisa.

Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegey in 7 dumar ah laga soo xulo 7 qabiil kuwasoo warsaxafadeedkaan guddiga ku qabtey magaalada Garowe ku xuseen in madax dhaqameedka beelahaan soo gubiyaan magacyada musharaxiinta Haweenka ah.

Waxaa muran balaaran iyo diidmo weli ka taagan tahay qabaa'ilka Somalida iney soo  gudbiyaan xubnaha dumarka ah kuwasoo kamid ah qoondada haweenka ku leeyihiin Barlamanada Federaalka Somalia.

Dhinaca kale waxaa weli muran ka taagan yahay qabaa'ilka dhexdooda kuwasoo qaarkood isku haystaan xubnaha musharaxiinta uga qayb galayaa aqalka hoose ee Barlamanka halka kuwa kale ku muransan yihiin ergooyinka.

Guddiyada doorashada maamul goboleedyada doorashooyinka ayaa ah kuwa aad u mashquulsan halka guddiyada khilaafaadka qabanayaan dacwooyinka beelaha dhexdooda ka muransan.

Guddiga khilaafaadka oo dhowaan shir jaraa'id qabtey ayaa sheeegey iney iminka gacanta ku hayaan 1200 dacwo kuwasoo halkii dacwo ee lasoo gudbiya ka qaadaya 1000USD ah.

Waxaa jira warar sheegaya in qaar ka tirsan beelaha raba iney gudbiyaan musharaxiin la isku haysto qorsheynayaan iney lacago ku bxiyaan sidii xubnahooda uga mid noqon lahaayeen Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka.

Doorashada sanadka 2016 ayaa la filayaa Iney noqoto midii ugu musuqmaasuq badneyd tan iyo intii dowlado laga dhisayey dalka Somalia mudadii 25 aheyd ee buburku jirey.

HALKAN KA AKHRI QORAAlKA GAAS KU ASTEEYEY QOONDADA DUMARKA IYO QABAA'ILKA AY KA IMAANAYAAN- 2016-10-31-PHOTO-00000062_signed.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM