​Madaxweynaha Puntland oo shacabka ugu hambalyeeyay Ciidul-fidriga [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayay bilashada bisha Soon-fur ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliyeed gaar ahaan Puntland isagoo u rajeeyay inay ku ciidaan amni iyo farxad.

Gaas oo warbaahinta la hadlayay ayaa xusay inuu ku faraxsanyahay inay dhalato bishan isagoo dhambaal tahniyad ah u diray ciidamada qalabka sida oo uu xusay in la'aantood aysan suurogal ahayn in lagu Ciido farxad.

Wuxuu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan isagoo u rajeeyay inay dadweynaha inay wanaag kula ciidaan qoysaskooda, carruurtooada, waalidkood iyo Asxaabtooda intaba.

"Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa dadweynaha Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabweynaha Puntland, waxaan idiin rajaynayaa idinka iyo reerihiina, carruurtiina, waalidkiin iyo asxaabtiina inaad farxad ku ciidaan," Ayuu yiri mudane Gaas.

Madaxweynaha ayaa ALLE ka baryay in sannadkan sannadkiisa kale EEBBE nagu gaarsiiyo wanaag, farxad iyo amni intaba.

Hambalyada Madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli maalinta barri ah la filayo in salaadda Ciidul-fidriga laga tukado dalalka Islaamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM