​Madaxweynaha Puntland oo shacabka ugu hambalyeeyay Ciidul-fidriga [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayay bilashada bisha Soon-fur ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliyeed gaar ahaan Puntland isagoo u rajeeyay inay ku ciidaan amni iyo farxad.

Gaas oo warbaahinta la hadlayay ayaa xusay inuu ku faraxsanyahay inay dhalato bishan isagoo dhambaal tahniyad ah u diray ciidamada qalabka sida oo uu xusay in la'aantood aysan suurogal ahayn in lagu Ciido farxad.

Wuxuu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan isagoo u rajeeyay inay dadweynaha inay wanaag kula ciidaan qoysaskooda, carruurtooada, waalidkood iyo Asxaabtooda intaba.

"Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa dadweynaha Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabweynaha Puntland, waxaan idiin rajaynayaa idinka iyo reerihiina, carruurtiina, waalidkiin iyo asxaabtiina inaad farxad ku ciidaan," Ayuu yiri mudane Gaas.

Madaxweynaha ayaa ALLE ka baryay in sannadkan sannadkiisa kale EEBBE nagu gaarsiiyo wanaag, farxad iyo amni intaba.

Hambalyada Madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli maalinta barri ah la filayo in salaadda Ciidul-fidriga laga tukado dalalka Islaamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM