Madaxweynaha Puntland oo shaqada ka joojiyey Wasiirkiisa Xanaanada Xoolaha

Image

GAROWE- Warar warsidaha GO ka heley Ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas shaqada ka joojiyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Cabdijamal Cismaan kadib markii lagu soo eedeeyey is-dabamarin mashaariic laga qaban lahaa degaano ka tirsan Puntland.

Xafiiska Madaxweynaha Puntland kama soo bixin wax war ah ee ku aadan shaqo joojintaan balse wararka ayaa sheegaya in Wasiirka dacwooyin ka gudbiyeen xubno ka tirsan guddiyada joogtada ah ee Barlamanka Puntland iyo qaybo ka tirsan bulshada kuwasoo ay saameyn ku yeelatey mashaariicda la dhunsadey.

Mashaariicdaan la dhunsadey ayaa wararka GO soo gaaraya sheegayaan in Bangiga hurumarinta Africa ugu deeqey Puntland kuwasoo wax lagaga qaban lahaa hurumarinta Xoolaha.

Waa markii ugu horeysay muddo Sadex sano ah Madaxweynaha Puntland shaqo uga joojiyo wasiir kamid ah xukuumadiisa arimo la xiriira musuqmaasuq kuwasoo qaarkood lagu eedeeyo lunsasho xoolo dadweyne.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in xiriirka Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo madaxweyne Gaas uu xumaa mudooyinkii ugu dambeeyey sababo aan la shaacin. Cabdijamal ayaa kamid ahaa xubnaha aadka ugu dhowaa madaxweyne Gaas sanadihii 2015-2016.

Shaqo ka joojinta Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa ku soo beegmaysa waxyar kadib markii madaxweyne Gaas maanta magacaabey xubno isugu jira wasiir ku xigeeno, wasiiru dowlayaal iyo Agaasimayaal. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM