Madaxweynaha Puntland oo su'aalo la waydiiyey [ Dhageyso]

Image
Image
Image

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay dood cilmiyeed ay ka qayb galeen aqoonyahan iyo dadweyne kale.

Gaas ayaa su’aalo kala duwan ay waydiiyeen ka qayb galayaashu intii ay socotay dood cilmiyeedka, waxaana madaxweynuhu ka hadlay arrimo badan ugu muhiimsanayeen:-

1. Amniga.
2. Ladagaalanka muqusmaasuqa.
3. Hormarinta arrimaha bulshada,dhaqalaha,cadaaladda iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey waxqabadka xukuumadiisa iyo fulinta balanqaadyadii uu sameeyey.

Dadweynihii ka qeyb-galay kullanka ayaa dhankooda Madaxweynaha waxaa ay weydiiyeen su’aalo la xiriira waxa uga qabsoomay balanqaadkiisa iyo talo soo jeedin , dhammaan su’aalihii la weydiiyeyna madaxweynuhu waa uu ka jawaabay.

Dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa soo diyaariyey machadka cilmi baarista iyo siyaasada ee Hayaan.

Mudane Gaas ayaa markii uu soo dhammaatey dood cilmiyeedkii looga hadlayey arrimaha la xisaabtanka iyo hufnaanta ee uu ka qeyb-galay booqday hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka dagen yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM