​Madaxweynaha Puntland oo tagay degmada Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta safar dhinaca Badda ah ku tagay degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaas oo sannadkii hore ciidamada difaacu ka saareen mallayshiyaad katirsan Daacish oo muddo bil ah gacanta ku hayay.

Socdaalka Gaas ee degmadaas ayaa lagu sheegay inay tahay u kuurgal xaaladda amniga ee Qandala iyo sidii dadka deegaanka ugala hadli lahaa ilaalinta deegaanka iyo la shaqaynta ciidamada amniga.

Dadka deegaanka iyo maamulka Qandala ayaa soo dhaweyn  u sameeyay wafdiga Madaxweynaha, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan qaataan inta uu halkaas ku suganyahay.

Lama oga inta uu halkaas kusii sugnaan doono, balse waxaa la saadaalinayay inuu mari doono gobollada dhaca Bariga Puntland, halkaasoo ay isugu tageen qoysas reer Guraa ah oo kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka.

Dadkaas oo ku jira xaalad adag ayaa la sheegay inuu madaxweynuhu soo arki doono, waxayna badankoodu ku suganyihiin nawaaxiga degmada Bandarbayla gobolka Karkaar.

Majirto wax taakulo ah oo dowladda gaarsiiyay, waxaana Guddoomiyaha degmada Bayla oo la hadlay warbaahinta uu sheegay inay fadhiid nodeen wasaaradihii howshaasi u xil-saarnaa.

Maaha markii ugu horaysay Madaxweynaha Puntland safar ku tago deegaanada dhaca xeebaha Puntland, balse wuxuu socdaal ku tagay degmooyinka ku yaalla bariga fog sida Bargaal isagoo ka sameeyay ballanqaadyo kala duwan, waloow aysan jirin ilaa hadda wax ka fulay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM