Madaxweynaha Puntland oo u ambabaxey dalka Ethiopia

Image

Garowe [ GAROWE ONLINE]- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxey dalka Ethiopia magaalo madaxdiisa Addis Ababa. 

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku weheliyey wasiirkiisa caafimaadka Saadiq Eenow iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Lama shaacin sababta keentey safarka Ethiopia oo la sheegey inuu qadanyo muddo labo cisho ah balse warar Garowe online heleyso ayaa sheegaya inuu casumaad ka heley dowladda Ethiopia.

Wararkaan ayaa intaas ku daraya in dowladda Ethiopia kala hadli doonto Madaxweyne Gaas xiriirka Puntland sheegtey iney u goysay dowlada Federaalka  ee Somalia iyo qodobka la xiriira maamul u sameynta gobolada dhexe kaasoo madaxweyne Gaas iyo xukuumadiisu dhowaan ganafka ku dhufteen.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya Wasiirka caafimaadka Saadiq Eenow oo xiriirka uu la lahaa dowlada Ethiopia uusan wanaagsaneyn kadib markii uu buugaag badan uu wax kaga sheegayo horey uga qorey wadankaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa la rumeysan yahay sababta Saadiq Eenow u kexeeyey waqtigaan ay tahay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka uu la leeyahay dowladda Puntland. 

Safarka Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Ethiopia ayaa sidoo kale wararku xusayaan inuu halkaas kula kulmi doono shirkada shidaalka baarta ee African Oil iyo kuwa kale sida shirkad laga leeyahay dalka China oo dhisi doonta garoonka diyaardaha magaalada Bosaso.

African Oil ayaa joojisay shaqooyinkii ay ka wadey puntland kadib markii dowladda Federaalka u dirtey qoraalo ay ku hakineyso howlaheeda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM