​Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Maraykanka

Image

Addis Ababa- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta u dhoofay dalka Maraykanka gaar ahaan magalada xarunta ah ee Washington DC, waxaana safarkaasi ku qotomaa kulamo kala duwan oo uu la yeelan doono bulshada reer Puntland ee dalkaasi ku dhaqan. 

Safarkan lama shaacin inta uu qaadan doono iyo ujeedkiisa rasmiga ah, balse waxaa la tilmaamay inuu madaxweynuhu tagi doono qaybo kamid ah gobollada Maraykan islamarkaana Jaaliyadda Puntland kala soo hadli doono mowqifkooda 4.5 iyo maalgashiga waddanka. 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Gaas ka baaqsaday shirka kasocda Istambuul ee looga hadlayo arrimaha Somalia, waloow ay joogaa xubno katirsan xukuumadda, waxaana la sheegay mas'uuliyiintaasi inaysan shirka uga qayb galayn arrimaha siyaasadda balse ka qayb galayaan wajiga kowaad oo looga hadlay barnaamijka hiigsiga cusub(New Deal). 

Baaqashada Gaas ee shirka Istambul, ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia ku tumatay arrimaha lagu hishiiyay taasina keentay in Puntland banaanka ka istaagto qorshayaasha dowladda Somalia wadato. 

Dhinaca kale shirka Istambul, waxaa kamaqan maamulka Somaliland oo sheega inuu ka go'ay Somalia inteeda kale. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM