​Madaxweynaha Puntland oo u safraya Ethiopia

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa lagu wadaa inuu u safro dalka Ethiopia todobaadka soo socda, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil ka agdhow Madaxtooyada.

Gaas, ayaa maalinta Sabtida ee fooda nagusoo haysa u duuli doonta magaalada Addis Ababa, halkaas oo la sheegay inuu kula ballansanyahay madax katirsan dowladda Ethiopia.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee socdaalkaasi ku qotomo, balse warar madax bannaan ayaa sheegaya inay la xiriirto doorashada dalka Somalia ee la filayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan.

Madaxda maamul goboleeyda ayaa muddooyinkii dambe looga yeeray xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaasoo ay kula shirayeen madax kala duwan.

Madaxweynaha Puntland, ayaa dhawaan sii maray xilli uu ku socday dalka Imaaraadkaa, isagoo halkaas kula kulmay madax shirakaad iyo kuwa dowladeed kuwaasoo aysan xog rasmi ah ka hayn shacabka Puntland.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xilli abaar baahsan ka jirto deegaanada Puntland iyadoo xukuumadda lagu dhaliilayo dadaal yari ku aadan sida ay uga falcelisay xaaladda taagan.

Gaas ayaa sidoo kale socdaalkii ugu badnaa ku aaday dalka Ethiopia mudadii uu hayay talada Puntland, wuxuuna marka uu ka hadlayo safarkiisa xusaa inuu la xiriiro iskaashiga Ganacsiga iyo Amniga laada dhinac, hadana ma muuqato miro dhalka arrimahaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM