Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadey agaasimaha maamulka

Image

GAROWE 3 June,2015 (GO)- Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa xilka looga qaadey agaasimaha maamulka madaxtooyada Cabdi Mahdi Abshir.

Cabdinaasir Maxamuud Gurey ayaa lagu badaley agaasimahii hore ee madaxtooyada Puntland  oo kamid ah qurbo joogta ku nool wadanka ingriiska.

Agaasimaha cusub ayaa la dhashey AHN Cabdishakuur Maxamud Gurey oo horey uga shaqeyn jirey xafiiska madaxweynaha Puntland waqtigii u ahaa Ra'isal wasaaraha Somalia.

Cabdi Mahdi Abshir oo xafiiskaan u magacaabey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa in muddo ah xafiiskiisa waxaa ka jirey hadal hayn farabadan in xilkaan laga qaadayo.

Xilka ka qaadista sarkalkaan ayaa ku soo beegantey maalin kadib markii madaxweynaha Puntland dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Garowe.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM