Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaadey Agaasimaha PSF

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Dani ayaa xilka ka qaadey Agaasimaha hay’dda PSF Maxamuud Cismaan Cabdulahi “Diana” waxaana lagu badalay Amiin Xaaji Khayr.

Maxamuud ayaa la dhashay Asad Diano oo horey xilkaan u hayey balse ka tagey shaqada isagoo u tartamey xilka Madaxweynaha Puntland doorashadda Jan 2019.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA HAY’ADDA PSF EE CIIDANKA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 24 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM