Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaadey Agaasimaha PSF

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Dani ayaa xilka ka qaadey Agaasimaha hay’dda PSF Maxamuud Cismaan Cabdulahi “Diana” waxaana lagu badalay Amiin Xaaji Khayr.

Maxamuud ayaa la dhashay Asad Diano oo horey xilkaan u hayey balse ka tagey shaqada isagoo u tartamey xilka Madaxweynaha Puntland doorashadda Jan 2019.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA HAY’ADDA PSF EE CIIDANKA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 24 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee November 24, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Agaasime Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragntinimadiisa Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF ee Ciidanka Dowladda Puntland.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM