Madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland oo Tacsi ka direy qaraxii ka dhacey Buuhoodle

Image

Kadib markii habeenii xalay qarax is-miidaamin ah lagula beegsadey magaalada Buhoodle Cabdifatax Mxamad Cali iyo Axmad Maxamad Doolaal ayaa waxaa tacsi ka direy Madaxweynayaasha Puntland iyo Puntland kuwaasoo sidoo kale cambaareyey dhacdadaas.

Qaraxaan lala beegsadey labadaan nin oo dhacey xilli ay kasoo baxeen Salaadii cisho ahaa ayaa qofka is-qarxiyey wadada bartamaheeda u istaagey gaarigii ay wateen labadaan marxuum kadib markii ay joojiyeen baabuurkii inta uu darishada soo istaagey is-qarxiyey.

Labada marxuum ayaa midkamid ah waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsanaan jirey maamulkii la magax baxey Khaatumo halka ninka Doolaal ka tirsanaan jirey xisbiyada magaca diinta ku dirira ee Soomaaliya.


QORAALKA TACSIDA EE MADAXWYNE GAAS U DIREY QOYSKA LABADA MARXUUM IYO REER BUHOODLE


TACSI MADAXWEYNE: 02/08/2018
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, shacbiga gobolka Buuhoodle, iyo dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland, gaar ahaan qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Magaalo madaxda gobolka Buuhoodle ee ay ku naf waayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ku geeriyooday qaraxaasi Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna Alle caafimaad taama ka siiyo kana dulqaado dhibta iyo xanuunka soo gaadhay.

Madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku adkeeyey inay baadhitaan buuxa ku sameeyaan siday wax u dhaceen, gacantana ku soo dhigaan ciddii ka danbaysay falkaasi argagaxa ku abuuray bulshada gobolka Buuhoodle iyo dalkaba.

Xukuumadda Somaliland, marnaba ma aqbalayso, umana dul-qaadan doonto cid kasta oo isku dayda waxyeello, dhibaato iyo falal amni-darro ah inay ku qaaddo shacbiga iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Related Articles

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM