Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo la kulmay wasiirrada cusub

Image
Image

July 8, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta madaxtooyada Garoowe kula kulmay siddeed Wasiir oo kamid ah sagaalkii wasiir ee uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay, kadib markii uu  isku shaandheyn ku sameeyey Golaha xukuumadda Puntland.

Wasiirada ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda, diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac , Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab,  Wasiirk maaliyadda Cabdullaahi Shiikh Jaamac, Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Abshir Yuusuf Ciise ,

Wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirka caafimaadka Cabdinaasir Cismaan Ciise, Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan iyo sidookale Wasiirka beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.

Madaxweyne Gaas waxaa uu wasiiradaan cusub kula dardaarmay in ay li yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan howlaha qaranka.

Sidookale waxaa uu madaxweynuhu wasiirada kula dardaarmay ilaalinta hantida dawladda , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan , sidookalana xiriir dhow oo wada shaqeyneed wada yeeshaan xoojiyaana isku xirka guud ahaan Gobolada Puntland , sidookalana ka qeyb-qaataan derdergelinta barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee dalka ka socda.
 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM