Madaxweyne Deni iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulmay

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Golaha Shacaba Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa xalay ku kulmay magaaladda Garowe.

Deni oo hoyga uu caasimadda dowladda Puntland ka degan yahay Mursal ku booqday ayaa waxaa ku wehliyay madaxweyne ku xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Gudooomiye Mursal ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa todobaadka Puntland, gaar ahaan 1-da August oo loo dabaaldegayo sanad-guuradii 21-aad ee aas-aaska Puntland.

Munaasabada oo qaban-qaabadeeda ay socoto ayaa la rajeynayaa in ay si heer sarre ah uga qabsoontay magaalooyinka kala duwan ee Puntland, iyaddoo amniga la adkeeyay.

Ciidamadda ayaa la geliyay heegan sarre, waxaana la xadiday isu socodka gaadiidka magaalooyinka si nabad-gelyadd u noqoto mid sugan oo aaney wax carqalad ah u imaan.

Puntland oo ah maamulka ugu da'da weyn kuwa ka jira Soomaaliya ayaa la aas-aasay 1-dii Augsut sanadkii 1998-dii, waxaana loo yaqanaa "Hooyadda Federaalka Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM