Madaxweyne Deni oo dhagax-dhig iyo xarig-jar ka sameeyay Qardho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, oo noqonaysa xarun lagu lagu keydiyo aqoonta iyo taariikhda.

Deni ayaa bogaadiyey in maamulka degmada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka shaqeeyeen diyaarinta dhulka laga dhisayo Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho.

Sidoo kale, Madaxweynuhu ayaa cod dheer wuxuu sheegay in Dowladdu qeybteeda ka qaadanayso si loo hirgeliyo xaruntan.

Xafladda Dhagax dhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabanacad.

Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo Guddiga u qareemida dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee Qardho ayaa si lamid ah qayb ka ahaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadajir ee degmada Qardho oo la saaray Laami,

Wadada oo dhererkeedu yahay 500M waxaa hirgelisay Dowladda Hoose ee Qardho waxayna qeyb ka tahay Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Si lamid ah, Madaxweyne Deni wuxuu balan qaaday dhismaha Wadada isku xirta Hotel Gufure iyo Suuqa-weyn ee Qardho, taasi oo dhererkeedu yahay 200M.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM