Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo kula kulmay Isimada Gobolka Mudug

Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan qado ah kula yeeshay Isimada Gobolka Mudug.

"Kulanka ayaa looga hadlay amniga, nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan horumarka Gobolka Mudug," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda.

Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaaladda. Dhigiisa Galmudug oo qayb ka maamusha Gaalkacyo ayuu la kulmay, isagoo kala hadlay nabada iyo horumarka.

Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ay kawada qeybgaleen waxaa kasoo baxay qodobo ay kamid yihiin in maamuladu iska kaashadaan arrimaha siyaasadda sidda doorashooyinka.

Iskaashiga oo bilooyinkii lasoo dhaafay la dardargeliyey ayaa sahlay in xasilooni lagu soo celiyo Gaalkacyo isla markaana gacanta lagu soo dhigo xubno ka tirsanaa kooxaha argagixisada.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay sidii Gaalkacyo u noqon lahayd meel amni ah oo ka caagan falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda.

Dib-u-heshisiinta ayaa kamid ahaa qodobada ay isla meeldhigeen, arrintaas oo durba ay bilaabatay fulinteeda isla markaana qaybo kamid ah gobolka ay ka socdaan shirar lagu soo afjarayo colaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM