Madaxweyne Deni oo Gaalkacyo kula kulmay Isimada Gobolka Mudug

Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan qado ah kula yeeshay Isimada Gobolka Mudug.

"Kulanka ayaa looga hadlay amniga, nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan horumarka Gobolka Mudug," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda.

Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaaladda. Dhigiisa Galmudug oo qayb ka maamusha Gaalkacyo ayuu la kulmay, isagoo kala hadlay nabada iyo horumarka.

Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo ay kawada qeybgaleen waxaa kasoo baxay qodobo ay kamid yihiin in maamuladu iska kaashadaan arrimaha siyaasadda sidda doorashooyinka.

Iskaashiga oo bilooyinkii lasoo dhaafay la dardargeliyey ayaa sahlay in xasilooni lagu soo celiyo Gaalkacyo isla markaana gacanta lagu soo dhigo xubno ka tirsanaa kooxaha argagixisada.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku adkeystay in ay ka go'an tahay sidii Gaalkacyo u noqon lahayd meel amni ah oo ka caagan falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda.

Dib-u-heshisiinta ayaa kamid ahaa qodobada ay isla meeldhigeen, arrintaas oo durba ay bilaabatay fulinteeda isla markaana qaybo kamid ah gobolka ay ka socdaan shirar lagu soo afjarayo colaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM