Madaxweyne Deni oo gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Mudug

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu digreeto ku taariikheysan 27-da bishaan June, 2020 uu ku magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug.

Sidda ku xusan wareegtada oo lagu baahiyey barta Facebook ee Madaxtooyadda Puntland, Cabdiladif Muuse Nuur oo loo garan-og-yahay Sanyare ayaa loo gartay in uu qabto xilkaas.

Sanyare ayaa bedelaya Axmed Muuse Nuur oo 17-kii Maaj sanadkan 2020 ku dhintay qarax ay maleeyshiyaadka Al-Shabaab kula beegsatay magaalada Gaalkacyo, isagoo waajibaadkiisa gudanaya.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: ​Dastuurka ​Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:​ Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug

Markuu arkay:​Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


Baaritaanka weerarkii argagixisada ku dishay marxuum Axmed Muuse Nuur ayaa meel fiican maraya, waxaana loosoo qabtay la tuhunsaneyaal badan, kuwaas oo dhowaan kasoo muuqanaya maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM