Madaxweyne Deni oo hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Majaladda Leadership Magazine ayaa shaacisay guuleystayaasha abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika 2020 oo sanadkiiba soo bandhigta mar, guulaystayaasha sanadkan, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shìde, isagoona ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushani ay gaareen, taasi oo muujinaysa horumarinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo shaqo wanaagga ka jirta nidaamka Maaliyadeed ee dalkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay in lagu tartama horumarka Gobolka, wax la kala barto oo laysku dhiirigeliyo waxkasta oo wanaagsan.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM