Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida wasiir hore

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boss.

Marxuumka oo xaalad caafimaad looga qaadey Garowe loona sii wadday caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa ku geeriyooday magaalada Burco, sidda ay muujinayaan warbixinadda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa wanaag iyo bedel wanaagsan loogu rajeeyay qoyska uu ka dhintay marxuumka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boss," ayaa lagu yiri bayaankan.

War-saxaafadeedka oo lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxtooyada Puntland ayaa la raaciyey: "AHUN Cabdi Ismaaciil Boss ayaa waxbadan kasoo shaqeeyay Dowladdnimada iyo horumarka Puntland, wuxuu soo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland".

"Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Dhanka kale, mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Puntland iyo xubno kale ayaa siyaabo kala duwan tacsi tiiraanyo leh ugh diray xaaska, caruurta, qoyska iyo asxaabta marxuum Cabdi Boss.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM