Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay geerida wasiir hore oo Puntland ah

Image

GAROWE, Puntland - Axmed Xuseen Xaaji Yusuf [Doonyaale] oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Puntland ayaa geeriyooday, sidda ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiiisa.

Sidda uu sheegay xafiiskiisa, Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Doonyaale, kaas oo qorshuhu yahay in la aaso saacadaha soo aadan.

Hoos ka akhriso qoraalka madaxtooyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ujoogey.

Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo masuuliyado badan kasoo qabtay dalka.

Soomaaliya waxa uu kasoo noqday Guddoomiye gobol iyo mid Degmo, Puntland waxa uu kasoo qabtay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowle Madaxtooyo iyo La-taliye Madaxweyne ee arrimaha Amniga ah.

Sidoo kale waxa uu ku suntanaa ka shaqaynta xasiloonida, Amniga iyo horumarka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM