Madaxweyne Deni oo lagu soo dhoweeyey degmada Dangoroyo

Image
Image
Image
Image
Image

DANGORONYO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Banaanka hore ee degmada waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiinta Dowladda, Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo meel fagaare kula hadlay dadweynaha kasoo qeybgalay qaabiladaadiisa, ayaa wuxuu uga mahadeliyey soo dhoweynta,

Deni ayaa sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, kuna ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso.

Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo arrimahaasi u yimid ayaa asbuucan booqday Eyl, iyaga oo indha indheeyay qaabka ugu macquulsan ee loo dayac-tiri doono.

Ugu danbeyntii, Deni ayaa wuxuu ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee goboladda Puntland.

Socdaalkan ayaa ah mid uu gobolada kala duwan ee Puntland uu ku marayo madaxweynaha, kaasoo ujeedkiisa lagu sheegay gaarsiinta bulshada qorsheyaasha xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM