Madaxweyne Deni oo magacaabay lataliye iyo taliye ku xigeen labaad

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu Ismaaciil Saleebaan Geelle u magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.


WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-60, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Ismaaciil Saleebaan Geelle loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.


Dhinaca kale, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid wuxuu u magacaabay taliye xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Kahor magacaabida, Caydiid ayaa waxaa oo dalacsiiyay darajadda Sareeye Guuto, sidda ku xusan wareegto kasoo baxday xafiiska hogaamiyaha maamulkan 21-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM