Madaxweyne Deni oo magacaabay mas'uuliyiin cusub

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sida ku xusan wareegto xafiiskiisa si toos ah kaga soo baxday wuxuu magacaabay mas'uuliyiin kala duwan.

Hoos ka akhriso digreetadda

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka September 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

3. Waxaa Abshir Cali Qood loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Seed loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

5. Cali Axmed Siciid waxaa loo magacaabay Maamulaha Madaxtooyada Dowladda Puntland ee degmada Qardho.

6. Jamiil Naasir Maxamuud waxaa loo magacaabay Maamule Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee degmada Gaalkacayo.


Magacaabidan ayaa qayb ka ah dib u habeynta lagu sameynayo hay'addaha dowladda si bulshadda loogu dhaweeyo adeegyadda aas-aasiga u ah horumarka, maamul wanaaga iyo kobaca dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM