Madaxweyne Deni oo safar shaqo ugu u ambabaxay dalka dibaddiisa.

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah waxa u bilaabatay socdaal dibadda ah oo uu ku kala bixin doono wadamo kala duwan.

Madaxtooyadda oo bayaan soo saartay ayaa shaacisay in safarka Deni oo ka bilaaban doono Itoobiya uu halkaasi kulamo kula yeelan doono mas'uuliyiinta waddankaasi.

WAR-SAXAAFADEEDKA

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya waxa ay kula muhiim ah la qaadan doonaa masuuliyiinta dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM