Madaxweyne Deni oo si diiran lagu soo dhaweeyay magaaladda Qardho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Qardho, xarunta Gobolka Karkaar.

Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan deqmada Qardho iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ku qaabilay banaanka hore ee magaaladda, halkaasi oo ay isugu tageen boqolaal shacab ah.

Soo dhoweynta oo heerkeedu sareeyay ayaa waxaa ka qeybgalay Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka, Ardeyda iyo Guud ahaan Barbaarta Gobolka Karkaar.

Deni oo la hadlay dadweynaha ayaa wuxuu uga mahadceliyay qaabka diiran oo ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafigiisa, wuxuuna ku ammaanay dal-jaceylka iyo dowladnimadda.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu ku baraarujiyey muwaadiniinta ka shaqeynta qorsheyaasha dhinaca horumarinta ee ay waddo xukuumadda uu hogaamiyo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, la taliyeyaal uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Taliyeyaal Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Saraakiil Madaxtooyo ayaa sidoo kale waxay qayb ka yihiin wafdiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM