Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Kenya ee Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dawladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu gaaray caasimadda waddanka kenya ee Nairobi.

Wafdiga Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka kahor inta aan loo galbin goobta uu ka degayo magaalo madaxda dalka dhaca Geeska qaarada Afrika.

Kulamo kala duwan oo looga hadlay arrimaha siyaasada iyo geedi u socodka dowladnimada Soomaaliya ayuu la qaadan doonaan xubno kala duwan oo caalmka ah.

Talafishinka dowlada Puntland ayaa baahiyey in Deni, kulankii ugu horeeyay, uu isla maanta la yeeshay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanada Soomaaliya iyo Kenya.

Deni, oo ay wehliyaan mudaneyaal kamid ah Golaha Wakiilada Puntland, ayaa ka dhoofay Boosaaso, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay uu u joogay howlo shaqo.

Intii uu ku sugnaa xarunta gobolka Bari, Deni ayaa sidoo kale qaabilay Axmed Maxamed Islaam, dhigiisa Jubaland, oo ay yeesheen shir laba casho qaatay.

Shirka Iskaashiga Puntland iyo Jubaland ayaa laga soo saarey qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin in dowlada federaalka aysan diyaarin karin doorasho qof iyo cod ah.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM