Madaxweyne dowlada Puntland oo ku wajahan dalka Kenya

Image

1 Oct, 2015 (GO)- Madaxweeynaha dowlada Puntland oo ku sugan magaalada Galkacayo ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan in maalinta Sabtida u ambabixi doono wadanka Kenya.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa warar badan laga heyn iyada oo wararka la xiriira sheegayaan inuu halkaas uga sii gudbi doono wadanka Imaaraadka Carabta maalmaha soo socda.

Mudane Gaas ayaa safarkiisu ku soo beegmaya iyadoo weli xal laga gaarin colaada u dhexeeysay beelaha wada dega degaanada Mudug, Nugaal iyo Sool kuwasoo dagaalo dhexmarey isaga diley dad gaaraya 20 qof.

Dhinaca kale kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa dib ugu soo noqdey magaalada Garowe kadib markii uu safar asbuuc ah ugu maqnaa xalinta colaad Qoriley degmada Buurtinle.

Colaada ka jirta dhulka howdka iyo Soolka ee u dhexeeysa beelahaas ayaa weli laga bilaabin waan waan rasmiya ee lagu xalinayo iyadoo dhaqdhaqaayo aad u tabar daran wadaan qaybo ka tirsan bulshada rayidka ah gaar ahaan qaar ka tirsan culimaa'udiinka  Puntland.

Magaalada Garowe iyo Galkacayo ayaa waxaa ka dhicin asbucii 8aad shirkii golaha wasiirada kaas oo la qaban jirey Khamiis walba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM