Madaxweyne Gaas iyo Camay oo lakulmay bulshada rayidka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

28 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, ayaa maanta Garowe kula kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana Kulanka loogu yeeray is-xog waraysi ku aadan arrimaha Puntland iyo xaaladda Somalia.

Shirkan oo halmaalin soconaya ayaa saxaafaddu dibadda ka joogtaa, waxaana bulshadu wax ka weydiin doonta madaxda waxyaabaha uga qorshaysan doorashada sannadka dambe iyadoo madasha ku suganyihiin xubno matalaya Bulshada qaybaheeda kala duwan sida siyaasiyiinta, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta cilmi baarista Puntland ee PDRC, waxaana madaxdu kawarbixin doonaan shirarkii Xamar iyo waxyaabaha lagu wajahayo kan horaanta Janaayo ka furmayo magalada Kismayo ee lagu go'aamin doono habraaca doorashada 2016 ka dhici doonta Somalia.

Is-xogwaraysiga ayaa la filayaa in lagu soo hadal qaado nidaamka 4.5, waxaana bulshada qaybaheeda kala duwan kasoo horjeedaan in Xildhibaanada imaan doona lagu soo xulo habka beelaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM