Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Galkacayo

Image

August 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan dhexdiisa ku wajahan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qayb ka noqon doona wasiirro, xildhibaano, isimo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.

Booqashada Gaas ee Gaalkacayo oo ah tii labaad tan iyo markii uu xilka qabtey, waxay qaadan doontaa muddo labo todobaad ah, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen ila-wareedyo ka ag dhow madaxtooyadu.

Wararka Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in safarkani la xiriiro booqashadii Madaxweynuhu dhowaan ku tegey degmada Buurtinle, halkaasoo kulan albaabadu u xirnaayeen uu kula soo yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle. 

Arrimhiii kulankaas diiradda lagu saaray waxaa ugu mihiimsanaa xaaladda gobolka Mudug, gaar ahaan muranka xuduudka ee u dhexeeya Puntland iyo maamulka dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay.

Dhanka kale, waxaa 25-ta bishan (August) lagu wadaa in uu magaalada Gaalkacayo ka furmo shirka loogu magac daray Wadatashiga Puntland, shirkan oo fikirkiisa Madaxweyne Gaas keenay, waxaa qorshuhu ahaa inuu qabsoomo bishii June ee lasoo dhaafay, haseyeeshee dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii wax dhaqaale ah loo waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM