Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalada Galkacayo

Image

August 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan dhexdiisa ku wajahan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa qayb ka noqon doona wasiirro, xildhibaano, isimo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada.

Booqashada Gaas ee Gaalkacayo oo ah tii labaad tan iyo markii uu xilka qabtey, waxay qaadan doontaa muddo labo todobaad ah, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen ila-wareedyo ka ag dhow madaxtooyadu.

Wararka Garowe Online helayso ayaa tibaaxaya in safarkani la xiriiro booqashadii Madaxweynuhu dhowaan ku tegey degmada Buurtinle, halkaasoo kulan albaabadu u xirnaayeen uu kula soo yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle. 

Arrimhiii kulankaas diiradda lagu saaray waxaa ugu mihiimsanaa xaaladda gobolka Mudug, gaar ahaan muranka xuduudka ee u dhexeeya Puntland iyo maamulka dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay.

Dhanka kale, waxaa 25-ta bishan (August) lagu wadaa in uu magaalada Gaalkacayo ka furmo shirka loogu magac daray Wadatashiga Puntland, shirkan oo fikirkiisa Madaxweyne Gaas keenay, waxaa qorshuhu ahaa inuu qabsoomo bishii June ee lasoo dhaafay, haseyeeshee dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii wax dhaqaale ah loo waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM