​Madaxweyne Gaas iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Ethoipia oo kulmay

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta 23 April 2017 kulan ku yeeshay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia oo uu ka dhacayo shirka madaxda Africa ee Tana High Level Forum.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen; ammaanka, abaaraha iyo xiriirka labada dhinac.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn wasiirka u sheegay in iskaashiga dhanka amaanka Puntland iyo dalka Ethiopia uu heer wanaagsan joogo, isagoo ka dalbaday in wax laga qabto arrimaha abaahara iyo amniga.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlayay iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga iyo mashaariicaha horumarineed ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahay wadiiqo cusub  oo wanaajin karta xiriirka labada dhinac, isagoo xusay in Puntland diyaar u tahay adkaynta calaaqaadka masiiriga ah ee labada xukuumadood.

Wasiirka arrimaha debeda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan arrimaha uu kala hadlay Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa ka qaybgalaya shirka Tana Forun oo maanta la filayo in lagu soo afmeero magaalada Bahar Daar.

Kulanka ayaa looga hadlayaa nabadaynta iyo xasilinta xaaladda dalka Koonfurta Suudaan, kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailumarima iyo sidoo kale Madaxweynayaasha dalalka Liberia, Botswana, Burundi, Maser, Malawi, Sudan iyo dalka  Nigeria.  

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM