Madaxweyne Gaas "Labo arrimood ayaan Ethiopia u tagayaa"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay safarkiisa dalka Ethiopia kadib xilli uu maanta ka dhoofay magalo madaxda Puntland ee Garowe. 

Gaas ayaa sheegay inuu dalkaasi u tagayo labo arrimood oo ay kamidyihiin; hirgalinta hishiisyadii lagu gaaray Garowe iyo Muqdishu, kulamo la xiriira amniga iyo dhaqaalaha laba dhinac. 

"Waxaa maanta u amba-baxayaa dalka Ethiopia gaar ahaan magalada Addis Ababa, waxaana u tagayaa labo arrimood, midda koowaad waxa weeye; howlo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga oo ballamo kala hayn, waxaana rajaynayaa inuu hormar u soo jiido Puntland korna u qaado xiriirka Ethiopia iyo Puntland,"Ayuu yiri madaxweyne Gaas isagoo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Canoco. 

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay inuu ka qayb galayo shirka Tana "Forum" oo looga hadlayo xaaladda gobolka islamarkaana kasoo qayb galayaan madaxda afrika, wuxuna tilmaamay inuu qaadan doono labo bari. Waxaana safarka ku wehelinaya wasiirka ganacsiga Puntland iyo xubno kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil kale ayaa madaxweynaha kusii sagootiyay garoonka.

Shirkan ayaa noqonaya markii labaad oo madaxweynaha Puntland lagu casumo, waxaana sannadkii hore uu kajeediyay khudbad uu dhaqaalaha uga hadlay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM